Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa maanta Dacwad ka dhan ah ka gudbiyey Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo kamid ah culimada reer Hargeysa, kaasi oo u gudbiyey Xafiiska xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamada gobolkaba iyo weliba Wasaarada diinta & awqaafta Somaliland.
Guuleed Dafac ayaa faahfaahin ka bixiyey Dacwadaas uu maanta u gubdiyey Xafiiska xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, waxa uu yidhi:
“Waxa maalintii Jimcaha, masaajid ku yaala magaalada hargeysa ka hadlay nin sheegtay sheekh, ninkaas oo runtii sameeyay arrin kasoo horjeeda Diinta islaamka iyo qofnimadeydaba oo dadka ku dhiirigelyey inay talaabo iga qaadan oo u ekeyd iney doonayen inuu yidhahdo dadka soo dila Guuleed, arrinkaas oo aan u arkayey inay nolosheyda halis ku tahay, taas iyada oo la ogyahay waxa gobolka Geeska Afrika runtii ka dhacaya.
Masaajidkii barakeysnaa ee ilaahay laha ee logu tala-galay in dadka lagu wacdiyo oo wanaaga la iskugu soo jeediyo ayuu arrin siyaasadeed kaga hadlay, waxaan ogaaday in ninkan uu aheyd nin 100% shiikha, oo uu yahay nin siyaasiya oo ah dadkan qandaraasyada dowladda qaata ee qandaraaskii dowladda ee la xidhiidhay kutubta soo daabacay qaatay, iyada oo uu qandarasku shaacin aheyn, markaana ka cadheysan hadalada ka hadlo ee arrimaha xuquuqul insaanka iyo dadka masaakinta ee an u doodo, waxaana qabaa in aan anigu ka shaqeyo wixii ilaahay dadka faray.
Qofkuna intuu diinta kusoo gabado dowlada uu ka tirsanyahay taageraya oo uu masaajidada ilaahay ka difaaco waxan u arkaa inay arrinkaasi khalad weyn igu tahay, gefna ay tahay, sidaas darateed waxan go’aansaday in Maxkamada Gobolka Hargeysa iyo xafiiska xeer ilaalinta, iyo weliba Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ugudbiyo cabasho iyo dacwad ka dhan ah ninkaas, si talaabo sharci ah looga qaado, hadey wax isoo gaadhana cida ka masuul ka ah waa ninkaas iyo madaxtooyada Somaliland.”
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Xafiiska Hargeysa
- Advertisement -

