Muxuu dastuurka ka qabaa xaaladda deg degga ah ee Muqdisho la geliyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xalay shaaca ka qaaday in Muqdisho la geliyey xaalad deg deg ah, maadaama amniga uu farah ka baxay. Haddaba hoos ka aqriso waxa uu dastuurka Soomaaliya ka dhahayo xaaladda deg degga ah.

Qodobka 131aad. Xaalad Deg degga ah

(1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an.

(2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda.

(3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta.

(4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso.

(5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya.

(6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah.

(7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com