CC Shakuur oo sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay shirqooleen Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi horey Wasiir uga soo noqday Soomaaliya isla markaasna mar isku soo sharaxay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii uu xalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow Xaalad deg deg ah ugu geliyey Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Yariisow ay shirqool u dhigeen Farmaajo iyo Kheyre, kuwaas oo raba, sida uu sheegay, inay madaxa u saaraan fashilka amni ee caasimadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hoos tagin Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayna yihiin kuwa uu Digreeto kusoo magacaabay madaxweynaha taasina ay muujineyso in la doonayo in Fashilka Amniga Muqdisho dusha laga saaro Eng. Yariisow.

“Saaxiibkeey ayaa i waydiiyey Taliska Booliska iyo Nabadsugidda Gobolka Banaadir midkoodna ma hoos tago Guddoomiyaha Gobolka, amar iyo awoodnna kuma laha ee maxay tahay “Xaaladda Degdega ah ee uu soo rogay” Waxaan ku iri fashilka Masuuliyadda Amniga ayaa madaxa laga saari rabaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

“Guddoomiyaha, Taliyaha Booliska, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir digreeto Madaxweyne ayaa lagu wada magaacabay” ayuu sii raaciyey.

“Haddii Banaadir maqaamka maamul ee ay mudan tahay la siiyo, dakhligeeda deegaanka loogu adeego, dadkiisuna madaxdiisa doortaan, markaas ayey Banaadir amnigeeda masuul ka noqon kartaa, inta ka horreysa Madaxda awoodda maamul haysata masuuliyadda yeysan cid kale uga siibanin” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Hadalka Cabdiraxmaan ayaa imaanayo xilli uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdulaahi Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay go’aankan la gaaray inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xoojiyo amaanka caasimada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta lagu guda jiro xaalada deg deg ah ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com