29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ganacsadaha la doonayo in Jabuuti loo gacan geliyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay arrinta sida weyn looga hadal hayo Somaliland ee ganacsade Axmed Geelle.
Wasiir Maxamed Kaahin ayaa beeniyay inay xukuumada Biixi ay bixisay amar qabasho oo ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo la sheegay inuu dowladda Jabuuti ka galay fal-dambiyeed.
Wasiirka ayaa arrintan ku beeniyey shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo uu kaga hadlayey arrimaha doorashooyinka Somaliland.
“Ma haynaba arrinkaas, anigu waarankaas ma hayo, wasiirka Daakhiliga aniga ah oo dee aniga ayuu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuuraya, ganacsadahaana meel baa lagaga dhacaya, waaran wax la yidhaa oo aanu hayno oo Axmed Cismaan Geelle loo soo gooyay ma hayno, cidda sheegaysana waa cid sheeko abuur iyo arrimo kale iyo ujeedooyin kale leh” ayuu yiri  Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.
Sikastaba, Dhowaan unbey aheyd markii Wasaarada Cadaalada Somaliland ay soo saartay warqad amar qabasho ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland.
Warqada amarka qabasho ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Cadaalada, ayaa si toos ah ugu socotey Wasaarado ay kamid tahay, Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo wasiir ka yahay Maxamed Kaahin. – Halkan riix oo akhriso warqada amarka qabasho ee ganacsadaha.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

- Advertisement -

Read more

Local News