26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wasiiro, taliyayaal ciidan iyo duqa MUQDISHO oo looga yeeray baarlamanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray xubnihii ugu badnaa ee golaha wasiirada, taliyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wargeliyay dhamaan xubnahaasi ay horyimaadaan baarlamaanka.

Dhamaan xubnaha looga yeeray baarlamaanka ayaa su’aalo laga weydiin doonaa dhanka amaanka, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay wasiirada iyo taliyaasha ciidamada ay ka jawaabaan su’aalaha ay u qabaan xubnaha baarlamaanka, maadaama ay bilaabeen inay la xisaabtamaan dadka masuuliyadda amaanka saaran yahay.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxay kala yihiin:-

1- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

2- Wasiirka gaashaandhiga Soomalaiya Xasan Cali Maxamed.

3- Agaasimaha Nabad Sugida Soomalaiya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

4- Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe).

5- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed.

6- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac.

7- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dadaal adag u galay ajandaha baarlamaanka ee sabtida dhacaya sidii loogu soo dari lahaa arrimaha amaanka si wasiirada iyo laamaha amaanka wax kaga weydiiyaan.

Kulankii koowaad ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq badan oo dhanka amaanka la xiriiray, waxaana kadib lagu dhawaaqay inuu baaqday kadib markii wasiirada xildhibaanada ay tagi waayeen baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News