Siduu ku yimid heshiiska Soomaaliya iyo Kenya, yaase dalbaday kulanka?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay ku heshiiyey inay dib usoo celiyaan xiriirkooda islamarkaana safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan Muqdisho iyo Nairobi.

Xiriirkan ayaa go’ay 16-kii Febraayo, kadb markii Kenya ay cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, una yeeratay safiirkeeda Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ku eedeysay inay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeed ay sheeganeyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa VOA u sheegay in Kenya ay dalbatay heshiiska, islamarkaana ka codsatay inuu yimaado magaalada Nairobi oo ay wada hadal yeeshaan.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in xaqiiqda ah in Kenya ay dalbatay heshiiska ay muujineyso dabac ka yimid dhankeeda, kadib markii tallaabooyin dhowr ah oo ay ku cadaadineysay Soomaaliya ay guul-darreysteen.

Qoraal ay barteeda twitter soo dhigtay ayay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ku tiri “Waxaan dib u xaqiijinay rabitaankeena xooggan ee ah inaan dib usoo celino xiriirka labada waddan, waxaana isku raacnay inaan tallaabada ugu horreysa ka dhigno inaan dib ugu celino safiirada labada waddan fadhiyadooda” ayey tiri Monica.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda islamarkaana ka diiday Kenya inay wada-hadal kala furto muranka badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso, waxaana hadda muuqata in mowqifka Soomaaliya uu miro-dhalayo.

Hoos ka dhageyso wasiir Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com