26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: Fahad Yaasiin oo raali-gelin ka dalbaday ‘su’aal shaqsi ah oo lagu’ weydiiyey kulankii baarlamanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka carooday su’aallo shaqsi ah oo kulankii baarlamanka ee maanta uu ku weydiiyey Xildhibaan Zakariye Gaashaan.

Su’aasha xildhibaan Zakariye ayaa la xiriirtay xil ka qaadistii lagu sameeyey taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla iyo eedeymaha Fahad loo jeediyo oo ku saabsan inuu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada.

Fahad ayaa ku jawaabay in su’aalaha noocan ah ay qalad iyo gef ku yihiin magaca hay’adda qaranka ee NISA, wuxuuna ka dalbaday guddoonka inuu xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay.

“Aad ayey ii dhibaysaa in nin xildhibaan ah uu hadalkan ku hadlay, oo xitaa qof kale uu kasoo xigtay oo aysan ahayn wax uu isaga baaritaan ku sameeyey” ayuu yiri Fahad.

Waxa uu sheegay in su’aasha xildhibaan Zakariye ay xurmo darro ku tahay hay’adda nabad-sugidda, islamarkaana golaha baarlamanka uusan u qalmin in su’aal noocan oo kale ah la isku dhex-weydiiyo.

Hoos ka dhageyso Fahad oo ka jawaabaya arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News