25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Gaari qarax looga shakisan yahay oo la sheegay inuu yaallo agagaarka KM4

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari looga shakisan yahay qarax uu yaalo agagaarka Hotel Afrik.

Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa la dhigay albaabka Hotel Afrik oo ku yaala wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba xeray wadada aada garoonka diyaaradaha, waxaana dad weynaha loo diiday inay halkaasi adeegsadaan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo bilowga bisha Ramadaan, waxaana waddooyin badan la dhigay ciidamo boolis ah oo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaanan la ogeyn inay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa iyo in kale, balse  laamaha amaanka oo ka shakiyay muddada uu meesha Yaalo ayaa ku amray dadweynaha inay ka fogaadaan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News