“Madaxda baarlamaanada oo sheegay inay ahayd in lagu daro shirkii Garoowe”

Garowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/Xakiin Dhoobo Daareed oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay najiito xumadii kasoo baxday shirarkii Garowe.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in shirarkii magaalada Garowe ay ahaayeen kuwo looga hadlayay masiirka ummadda Soomaaliyeed islamarkaana ay muhiim u ahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in lagu daro guddoomiyaasha Baarlamaanadda maamul goboleedyada, si ay qeyb kaga noqdaan xal u raadinta danaha shacabka Soomaaliyeed.

C/Xakiin Dhoobo Daareed ayaa sheegay in maaddaama Madaxda sare ee dalka ay heshiis gaari waayeen ay muhiim tahay in talada lagu daro golayaasha xeer dejinta ee dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirka Garowe ee fashilmay uusan noqon mid halkaas ku dhamaada ee ay isku soo laabtaan hoggaanka ugu sarreeya dalka.

Guddoomiye Dhoobo ayaa sidoo kale ku baaqay in shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo masiirka dalka ay muhiim tahay in lagu daro guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada halkii ay ka qeyb geli lahaayeen madaxda fulinta kaliya.

C/Xakiin Dhoobo ayaa sheegay in maaddaama Madaxda sare ee dalka ay heshiis gaari waayeen ay muhiim tahay in talada lagu daro golayaasha xeer dejinta ee dalka.

Waxaa kale oo uu sheegay in iyada oo xilli adag lagu jiro haddana ay dowladdii iyo dowlad Goboleedyadii ay siyaasad isku mari waayaan ay ayaan darro tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com