Somaliland oo ka hadashay sharciga shidaalka ee uu ansixiyey BF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay sharciga Baatroolka ee dhowaan ay ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona sheegtay in sharcigaasi uusan sinaba u quseyn maamulkeeda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo ka hadlayey arrintaasi, ayaa waxa uu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid lagu cunaqabateynayo Somaliland oo ay u arkaan dagaal dhaqaale.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay markasta caqab ku tahay horumarka Somaliland, isagoona sheegay in sharcigaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn shirkadaha batroolka ee maamulkoodu la galay heshiisyada.

“Wixii Soomaaliya ay qabsaneyso ee shacabkeeda ugu daneynayso oo ay isku raacsanyihiin, anagu waxba kama qabnee waanu ku hambalyeeynayna, laakiin waa Soomaaliya, wad ogtihiin oo caalamkuna wuu ogyahay Somaliland xoriyadeedii 1991-kii ayey lasoo noqotay, Somaliland Federaalka Soomaaliya kuma jirto, markaa sharciyan iyo siyaasiyan labadaba Somaliland kuma jirto” ayuu yiri Wasiir Jaamac Cigaal.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waa kayaan jira oo heshiisyo la gala Caalamka, wey isku dayeen inay bur-buriyaan ama la dagaalaman heshiisyada caalamka ee hore loo galay, Dowladan daala-dhaceysa ee Farmaajo wey isku deyday inay la dagaalanto horumarka u soo kordhaya Somaliland iyo heshiisyada ay gashayba, iyadoo malaha isleh cunaha goo ha baqtiyaane, laakiin wey u socon weyday”.

Wasiirka ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee lagu dhisayo Xeerkaasi, aysan Somaliland waxba uga jirin, isagoona ka dhawaajiyey in marka hore Koonfurta Soomaaliya ay sameysato wax ay iyagu u dhanyihiin.

Sharciga Batroolka ee Somaliland ay iska fogeysay ayaa waxa hore muran badan ka keenay maamuul goboleedyada dalka, kuwaasi oo si cad uga horyimid.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com