27.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Ethiopia oo ku dhowaaqday tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey khaariidadii loogu gafay Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa sheegay inay raalli-gelin buuxda ka bixinayaan Khariidadii Qaaradda Afrika ee la soo dhigay Website-ka Wasaaradooda, taasi oo dalka Somalia lagu biiriyey Xuduudaha dalka Ethiopia.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Nebiat Getchew, oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in Khariidadaasi laga saaray Website-kooda, islamarkii lagu soo wargeliyey qaladkaasi.

Warkan oo ay baahisay Warbaahinta Ethiopia, waxa uu Afhayeenku sheegay inay Wasaaradiisu soo saartay Hadal-qoraal oo ay kaga cuddur-daaranayso Qaladkii  bishan May 25-dii lagu soo daabacay Website-kooda ee dalka Somalia looga tirtiray Khariidada Rasmiga ee Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxa uu tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida Khariidada qaladka ahayd uga soo dhex muuqatay Website-kooda, isla markaana kuwii ka mas’uulka ahaa Mashaakilkaasi looga qadai lahaa tallaabooyinka lama huraanka ah.

Khariidadaasi waxay abuurtay Xasaasiyad ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka wada gilgisheen, kuna tilmaameen falkaasi Daandaansi iyo xadgudub ka dhan Haybadda Xuduudaha dalka Somalia ee ay dalalka Caalamka wada aqoonsan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News