Farmaajo oo safiir cusub u magacaabay Sacuudiga kana dhoofay waddanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda diinta iyo Awqafta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Makkah Al-mukarramah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya halkaas oo uu ka furmi doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com