Jawaabtii ay DF Somalia ka bixin weyday gefka Itoobiya, shacabka sidan ha u bixiyaan

Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya. Haddana gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah ayey Ethiopia u geysatay oo dalkeenna oo ay saddex u qeybisay.

Bogga wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa waxaa ku taxan dalalka ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha, waxaana yaab leh in Somaliland iyo Puntland loo muujiyey dal ahaan.

Dowladda Soomaaliya iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso qarannimada Soomaaliya, base ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo lagu qanci karo lagama hayo, sababta ay doonta ha noqotee.

Haddii dowladdii sidaas noqotay waa inaan hal mid xusuusanaa oo ah in dowladda ay dowlad ku tahay shacabka.

Madaama ay dowladeenu jawaabi weydey waxaan jeclaaday in qowmiyadda Soomaaliyeed ay jawaab cad ka bixiso kana dhiidhiso daansaansiga foosha xun ee Itoobiya una caddeyno in ee qaluubteena aysan wali ka dhiman hadafkeena SOMALIWEYN.

Waxa hadda ii muuqda ayaa ah in Itoobiya ay waddo tijaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed la tijaabinayo oo la cabbirayo sida ay uga fal-celiyaan arrinkan taabanaya jiritaankooda.

Sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel walba aad ka joogtaan dunida dacalladeeda, Inta Facebook isticmaasha saarta profile-ka ama status map ka SOMALIWEYN, ilaa 5 beri si aan u’muujino in aanu  ka gilgilnay daandaansi iyo xadgudub ka dhan ah jiritaankeena, wadajirkeena dhuleed iyo sumcaddeena. Mahadsanidiin.

W/Q: C/llaahi Haji Idow (Somaliweyn)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid