Safiirka Mareykanka ee Kenya oo weeraray madaxda Kenya kuna tilmaamo tuugo

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya, Kyle McCarter ayaa ku jeesjeesay Quraacda Ducada Qaranka Kenya oo maalintii khamiistii lagu qabtay hotelka Safari Park ee Nairobi, halkaas oo ay ku kulmeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyayaasha kale ee dalkaas.

Qoraal uu soo diray bartiisa twitter ayuu McCarter ku yiri “Hogaamiyayaasha Kenya waxay Quraacda Ducada Qaranka ku duceysanayaan oo ay dalbanayaan in laga cafiyo dambiyada ay galeen ee xatooyada ah.”

“Waa bilow wanaagsan oo qaranka loogu hogaamiyo waddada baraaraha ee Kenya ay u qalanto. Waa inaan dhammaan ka qeyb-galnaa” ayuu ku kaftamay.

Qoraalkiisa ayaa yimid xilli uu sidoo kale horraantii bishan sheegay in mas’uulitiinta Kenya ee ku lug yeesha musuq-maasuqa aan loo ogolaan doonin inay booqdaan dalka Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xubnaha qoysaskooda aan loo ogolaan doonin Mareykanka, islamarkaana caruurtooda laga hor-istaagi doono inay wax ku bartaan dalka Mareykanka.

Qoraalkiisa ayaa waxaa aad uga fal-celiyey dadka Kenya oo qaarkood aad ula dhacay kuna raacay, kuwaas oo madaxda Kenya ku tilmaamo tuugo uu musuq-maasuq dillooday.

Kenya ayaa waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caaismada@live.com