29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Askari ka tirsan booliska oo darawal ku dilay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Darawal waday Gaari Hoomey ama BL uu ku dilay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Dilkan ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyka Seyniyaano Degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in Askariga wax dilay iyo darawalka ay murmeen, maadaama wadadaasi ay aad cariiri u aheyd, taasina waxaa ay keentay in askariga uu xabad ku dhufto darawalka.

Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee Maanta la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay(Laangeel).

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamada booliska Soomaaliya.

Koontaroolka Saybiyaano ayaa dadka waxa ay u garanayaan (Kala Wareeg) maadaama gaadiidka ka yimaada Ex-Control illaa Afgooye aysan soo dhaafi Karin halkaasi, halka kuwa ka baxa Muqdisho iyagana aysan dhaafi karin Koontaroolkaasi waa gaadiidka dadweynaha.

Koontaroolada ay joogaan Ciidamada Booliska qaarkood ayaa waxaa lagu dhibaateeyaa dadka shacabka ah, maadaama aanan loo ogoleyn gaadiidka inay soo maraan.

Meelaha qaar ee Ciidamada Booliska ay joogaan ayaa gaadiidka waxa ay waydiiyaan Aqoonsi dowladeed oo kaliya, balse dadka oo dhan ayaanan u shaqeynin dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News