27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kenya oo kalluumeysiga ka mamnuucday meelaha ku dhow xeebaha Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Lamu (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa  amar ku soo rogtay Kalluumeysatadeeda ka jallaabta meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Kalluumeysatada ayaa la faray in aysan ku dhawaan biyaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan tagin degaannada ku dhow sohdinta Soomaaliya ee dhinaca badda.

Joseph Kanyiri, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Lamu ayaa sheegay in kalluumeysatada ay gaari jireen ilaa Xeebta Raas Kambooni ee Soomaaliya haddase ay adag tahay in halkaas la tago.

Waxa uu intaas ku daray in Ciidamada kala duwan ee Kenya ay ilaalo gaar ah ku hayaan dhaq dhaqaaqa Xeebaha Kenya ee u dhow Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in Ganacsi u badan Kontraban laga geliyo Kenya sidoo kalena dadka lagu kala gudbiyo.

“Waxaa jira goobo ay kalluumeysatadeenna doonayaan inay gaaraan balse nasiib darro ay dhibaatooyin ka jiraan. Walaceenna ugu weyn waxa uu yahay inay jiraan alaab kontaraban ah iyo dadk si si sharci darro ah halkaas looga gubinayo, waxaana ka shaqeeneynaa inaay joojinno dhaq-dhaqaaqyadaas” ayuu yiri.

Mr Kanyiri, ayaa dhinaca kale Kalluumeysatada Kenyaanka ah ka qaaday xayiraaddii dhinaca kalluumeysiha ee habeenkii ahayd, waxaana uu sheegay in ay kaliya ka kalluumeysan karaan Bariga Lamu.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News