Wasiir Maareeye oo amarro dul dhigay Oday Cabdulle iyo Maka Xaaji Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku haayo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyadoo qaarkood si gaar ah loola kulmay laguna wargeliyay dalabka Wasaaradda.

Waxaa muuqda in dagaal aan qarsooneen uu ka dhax bilaawday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinta madaxa banaan. Waxa uu ku dhisan yahay loolan iyadoo ay Wasaaradda isku dayeyso in ay ka joojiso Warbaahinta kale Shaqaalaha Dowladda ee ula shaqeeya sida aan joogtada ahayn (Part time).

Wasiir Maareeye ayaa la kumay Abwaan Maki Xaaji Banaadir iyo Majaajilistaha Caanka Oday Cabdulle waxa uuna kala hadlay in ay joojiyaan shaqada ay ka haayaan Radio Kulmiye iyo Telefishinka Universal.

Labadaan mas’uul ayaa kaalin weyn ku lahaa Barnaamijyo wacyo gelin ah oo ka baxa Radio KNN iyo Universal TV. Dad badan ayaa u arka in arintaan aysan waddo saxan maadaama wacyi gelinta dadweynaha kaliya looga baahneen Warbaahinta Qaranka.

Wasiir Maareeye ayaa Oday Cabdulle u yeeray waxa uuna ku yiri “Fadlan laga bilaabo maanta jooji ka qeyb galka Xubinta Kalamaan” halka Maka Xaaji Banaadir lagu yiri “Jooji Faaliyaha Qaranka ee aad ka qeyb gasho”.

Maki Xaaji Banaadir iyo Oday Cabdulle waxay ka tirsanyihiin Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Hoballada Qaranka ee Waabari.

Dadka digniinta loo jeediyay waxaa kamid ah Aamina Macow oo ka tirsan Hoballada Waabari iyo Universal TV iyo Majaajiliiste Abahaa iyo kuwa kale oo caan ah.

Su’aasha dad badan ay qabaan ah ayaa Warbaahinta Qaranka maka faa’ideysan doonaan dadkaan ay shaqada kale ka joojiyeen halka qaar kale ay qabaan maxaa looga joojiyay shaqada kale xubnahaan Dowladda ka tirsan oo waligeed tan iyo Maxamed Siyaad Barre sidaan ugu shaqeeyay qeybaha kale ee Warbaahinta si loo wacyi geliyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com