Dhageyso: Saciid Deni oo DF Soomaaliya uga digay arrimo ay faraha kula jirto

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo.

Saciid Deni ayaa sheegay inay rajeynayaan in 60-sano ee u buuxsami doonto sanadka soo socda in Midnimadii dalka inuu soo laabto iyo dowladda iyo dadkeeda oo is raacsan yihiin.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in deegaanadaas ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana uu ka digay arrimo uu sheegay inay dowladda gacanta kula jirto oo quseeya maamul goboleedyada.

Deno ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayn inay ka deyso faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug.

“Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay in aanu dib dambe u soo raacin”ayuu yiri Saciid Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqday mid si dad badan uga hadlayay doorashadii Madaxweyneneimo ee ka qabsoontay Magalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed,taas oo uu kusoo baxay Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay faragelin ku heyso Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo ay dhowaan doorashooyin ka dhacayaan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com