29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dowladda Soomaaliya oo ‘ku fashilantay xal ka gaarista’ doorashada GALMUDUG

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo.

Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb, taasi oo ka carreysiiyey qaar ak mid ah beelaha, gaar ahaan beesha Cadaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in go’aankan lagu deg degay iyo diidmada beelaha saameynta leh uu macnaheedu yahay in doorasho Galmudug aysan dhicin karin, wuxuuna Kheyre ku eedeeyey inuu qaatay go’aan abuuray khilaaf hor leh.

Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay dowladda Soomaaliya iska indho tireyso arrintaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana maanta Cadaado ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo arrintaas.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News