Senator Siciido: “Madaxweyne Farmaajo waa qabyaaliste beeshiisa ayuu 2 safiir u magacaabay”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ku eedeysay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu colaad gaara u hayo beesha Sanaag, isagoo u diidan awood qeybsigii ay xaqa u lahayd.

Iyadoo Warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayay sheegtay inuu Madaxweyne Farmaajo yahay qof qabyaaalad yaqaan, isagoo hortaagan muddo 2 sano iyo bar ah xilkii safiir ee ay lahayd Beesha Sanaag, waxayna caddeyn u soo qaadatay inuu Beeshiisa u magacaabay laba safiir, halka uu beesha Sanaag u diidan yahay xilkeedii.

Senator Samiira waxay Soomaalida u sheegtay inay been tahay inuusan Farmaajo aqoon qabiil, waxayna caddeysay in dhibaatadda dalka ka jira iyo faragelinta maamul Goboleedyada ku socota uu wado Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Madaxweyne waxaad ogaataa in lagaa waayey wixii laguu qabay, Soomaali oo dhanna waa kugu hungowday.., ma doonayo in Somaliland iyo Somalia ay heshiiso, waxayna ka muuqataa Guddiga uu magacaabay, Puntland faragelin ayuu ku sameeyay, mana rabin in sidaas qurxoon wax u dhacaan..” ayey tiri Senator Samiira.

Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo afduubtay Doorashada Jubbaland

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com