Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa xildhibaanno maanta shir jaraa’id qabtay, kana hadlay xaaladda dalka, ayaa sheegay in ay tahay arrin laga walwalo warbixin uu uu soo saaray wargeyska New york times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.
Wargeyska warbixinta ka soo baxday ayaa sheegay in dowladda Qadar ay ka mid tahay dowladdo falal dil ku ah ammaanka ka geystay Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.”
Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali Karin, waxaa uuna yri “ Arrinta ay soo saartay New york times ayaa waxaa ay tahay arrin walal nagu beertay, dalkaan waxa ka socda iyo argigisada meesha ay fanka ka hesho, arrintaas guddiga difaaca gudoomiyihiina waa uu joogaa,waxaan dadka soomaaliyeed u sheegeynaa in baaritaankeena iyo xaqeena aan ka gudaneyno waana arrin walwal noo muujineyso runtii”
Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in safiirka dowladda Qadar u fadhiya dalka,uu wargeysku sheegtay in laga helay cadeymo muu jinaayo in dowladda Qadar ay soomaaliya ka fulisay dilal iyo mashinno lagu qaarijiyay dad ajaanib ah.
“ Waxaa nasiib darro ah in la yiraahdo safiirkii dalka Qadar waxa uu ku lug leeyahay mashinno iyo dilal dalka ka dhacay, ayadoo dadka reer Muqdisho ay maalin kaso ay la kulmaan dilal,qaraxyo iyo waxyaabo lamid ah, annaga guddi hoosaadka difaaca ah oo aniga madax u ahay waxaan qaadaneynaa inaan baaritaan sax ah aan galino warbixin sax ahna aan ka soo saarno, haddii uu cadaadana in tilaabada haboon ay qaataan dadka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Soomaaliyeedna aan u gudbin doono arrintaasna walwal xoogan ayeey naga muujisay”
Dhanka kale Xildhibaanka ayaa sheegay in aan layska indho tiri Karin arrintaan oo ah arrin walwalkeeda leh,waxaa uuna sheegay in Baarlaman ahaan ay waajibkooda gudan doonaan ku aadan arrintaan maanta soo baxday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]