Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow ka dhacay degmada Wadajir ee goolka Banaadir, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Aargada oo ka tirsan degmadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.
Wadihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa inuu ka badbaaday qaraxaasi, waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in gaariga uu qarxay mar uu ka dagay kadib.
Ma jiro wax khasaare ah oo uu geystay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.
Shakhsiga gaariga loogu xiray qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Mukhtaar Camey.
Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli maanta ay soo shaac baxday digniin amni oo sheegeysa in gudaha magaalada Muqdisho ay ku jiraan illaa saddex gaari oo qaraxyo sida.
Si kastaba, ma cadda in gaariga qarxay uu ka mid yahay kuwii ay hay’adaha ammaanka ka digeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]