29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Shiikh Shariif oo war kasoo saaray geerida Yariisow + Baaq culusna u direy DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxa uu baaq udiray dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona ka dalbaday in cadaalada la hor keeno cid walba oo ka qeyb qaadatay qaraxii xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso qoraal uu arrimahan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay

“Waxaan murugada iyo tacsida la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir aniga oo ka tacsiyeynaya geerida guddoomiyihii gobolka ahaana duqii caasimadda eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo goor dhoweyd la iisoo sheegey.

Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadii haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen.

Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey xarunta maamulka gobolka Banaadir ee lagu diley qaar kamid ah madaxdii maamulka iyo shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News