Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirraada Soomaaliya ayaa taageeray go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22-kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jubaland.
Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada oo maanta ku shiray Muqdisho, ayaa lagu sheegay in doorashooyinkaas โaan loo marin habraaca saxda ah.โ
Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha faray inay Golaha hor keento habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hayโadaha dowliga ah ee Jubaland, sida lagu sheegay qoraalka golaha.
Kulankan oo uu shir guddoominayay raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre ayaa goluhu waxay uga hadleen xaaladda deegaannada Jubaland, waxaana lagu goโaamiyey in Jubaland loo dhiso maamul cusub.
โWaxaa la isla qaatay muhiimmadda ay leedahay in la dhiso maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland.โ Ayaa lagu yiri qoraalka golaha wasiirada.
Ma cadda tallaabada xigta ee ay dowladdu qaadi doonta, hase yeeshee goโaanka ah in la dhiso maamul cusub, iyo in wasaaradda arrimaha gudaha la timaado habraacii lagu dhisi lahaa, ayaa kasii daray xaaladda Jubaland iyo xiriirka xumaaday ee dowladda iyo Axmed Madoobe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]