XOG: KULAN xasaasi ah oo xalay ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xayiraadii dhinaca hawada ee dhowaan dowladda federaalka saartay Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka lagu soo qaaday farogelinta ay dowladdu ku heyso dhismaha maamulka Galmudug oo dhowaan doorasho galaya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen oo shalay gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa sidoo kale Axmed Madoobe siiyey talooyin ku aadan, sida loo xalin karo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in Kismaayo ay gaaraan wufuud kala duwan oo ka tageysa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ka qeyb galeysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland.

Xafladda caleema saarka ayaa la filayaa inay dhacdo 9-ka bishan October oo ku beegan maalinta arbacada ah ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com