27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xasan Sheekh, Shariif iyo CC Shakuur oo si weyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdiyo heer sare ah oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa horreeyey safarka Xasan Sheekh oo uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Saacad kadib ayaa waxaa magaalada gaaray wafdi labaad oo uu hoggaaminayey madaxweynehii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Waxaa sidoo kale safarka ku wehliyey guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News