Afgooye: $18-ka milyan ee maqan dibedda ayey taallaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxmauud Cali Afgooye oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin yaab leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka ee uu soo saaray xafiiskiisa.

Hanti-dhowraha, oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay, ayaa qiil u yeelay lacagta 18-ka milyan ee dollar ah ee ka maqan qasnadda dowladda.

Afgooye ayaa sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu daabacay uusan ku sheegin in lacagta la lunsaday, balse si khaldan loo fasiray.

Hanti Dhowraha ayaa taa beddelkeeda sheegay lacagta 18-ka million ee la sheegay inay ka maqantahay maaliyadda dowladda, ay taallo akoon Dowladda ay ku leedahay Bangiyada Caalamka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay lacagta 18-ka Milyan inaanan lagu xusin warbixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka sidaanne ay ku sheegeen qoraallada ay soo saareen, balse aysan ahayn lacag la lunsaday.

Afgooye ayaan si kastaba wax sharaxaad ah ka bixin ama aan isku dayin inuu qiil u yeelo lacagaha kale ee dakhliga gudaha ah ee uu warbixintiisa ku sheegay in la lunsaday, iyo sidoo kale lacagta kale ee inta la qabtay ayada oo aan la diiwaan gelin si cash ama caddaan ah loo isticmaalin.

Sidoo kale ma uusan sharxin, sababta lacagta dowladda Soomaaliya ee 18-ka milyan ee dollar ah ay muddo ku dhow laba sano isaga taalo akoono dibedda ah, haddiiba ay jirta in sida uu sheegay ay sax tahay.

Sidoo kale wax qiil ah uma uusan sameyn sababta xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u diideen inay soo gudbiyaan xisaab sanadeedka 2018, si loo baaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com