CC Shakuur oo si yaab leh uga falceliyay dayactirka lagu sameeyey taalooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir, Cabdiraxamaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameeyey taalooyinka Qaranka ee ku yaalla gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay muhiim tahay in halgamayaasha u soo dagaalamay xornimada dalkeena la xuso, laguna xusuuto halganka ay u galeen xaqiijinta himilo Ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen Qaranka Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaase tilmaamay inuu isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna waan gacan gelinayaa oo uu kala jeedo Dhiibiistii Cabdkariin Qalbi Dhagax.

“Waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay.”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasigan oo mucaarad ah ayaa inta badan si aad ah u naqdiya dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar ku weerartay hoygiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com