Wasiir Jamaal Maxamed oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay oo xafiis ka furta deegaan doorashadiisa

Dhahar (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ka hirgeliyay Xafiis ka shaqaynaya xiriirka bulshada uu Xildhibaanku metalo iyo wax ka qabashada baahiyahooda.

Wasiir Jamaal ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kaasi oo Xafiis ka furta degmadii laga soo doortay si uu xiriir toos ah ula yeesho bulshada uu ku metalo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal oo furitaanka Xafiiska iyo ujeeddada ka dambaysa ka hadlaya ayaa yiri

“Waxa maanta sharaf weyn ii ah in aan degmada Dhahar ku daahfuro Xafiiska Adeega iyo Xiriirka Bulshada. Xafiiskan oo aan kala socon doono baahiyaha ka jira deegaanka, horumarkiisana kala shaqayn doono dadka deegaanka ee aan xildhibaanka u ahay, kuna metelo Golaha Shacabka JFS.”

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com