Ehelada taliyihii ciidamada Gorgor ee xalay la dilay oo diiday in la aaso meydkiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Ehelada Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada oo Xalay lagu dilay ay diideen in la aaso meydkiisa.

Ehelada Marxuumka ayaa dalbaday in caddeyn buuxda laga keeno qaabkii ay ku timid geerida Marxuumka inta ka horeysana aan la aasi doonin meydkiisa.

Xog laga helay ehelada Marxuumka ayaa sheegeysa inaan weli la xirin Ciidankii ka dambeeyey dilkiisa, waxayna taas meesha ka saareysaa hadalkii kasoo baxay Taliye xigeenka Booliska Jen. Zakiya oo qoraal ay barteeda Twitter-ka ku qortay ku sheegtay in la xiray askartii ku sugneyd bar koontaroolka Baar Shabelle oo ku lug lahaa is rasaaseyntii uu ku dhintay Taliyaha.

Balse warar kale ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu ku dhintay agagaarka Ex Hotel Naasahablood 2 oo dhowaan magaca laga bedelay, looguna magac daray Maa’ida, waxaa la sheegayaa in ilaalada Hotelka ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay inaysan jirin ilaa hadda cid lasoo xiriirtay oo ka tirsan Dowladda xitaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo la sheegay in Ilaalada hotelkiisa ay qeyb ka aheyd is rasaaseynta.

Taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska Somaliya Maxamed Saleebaan ayaa ahaay nin dhalinyaro ah oo hoggaaminaayay hawlgalkii dowladda Somaliya ay kula wareegtay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

illaa hadda si cad looma oga sababta Ciidamada illlaada Hotelka Naasa Hablood 2 ay rasaasta ugu fureen gaarigii uu watay Taliyahan ugu dambeyna geeriyooday.

Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa waxaa iska leh Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com