Xasan Shiikh: Muddo kororsi ma aqbali doonno ee waqtiga yuusan ka dhicin DF Somalia, hal billowdo ololaheeda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda Soomaaliya ay sameysato Muddo kororsi la doonaayo in dib looga dhiggo xilligii doorashada loogu tala galay.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran ayuu ka sheegay in madaxda xilligan talada dalka heyso looga fadhiyo inay ku dhaqmaan sharciga, wuxuuna Shacabka u soo jeediyay iney iska diidaan wax kasta oo Dastuurka ka hor imaanaya.

Waxaa uu sheegay in qorshe kaste oo ku aadan Muddo kororsi in uu kusoo dhamaan doono Fashil iyo in laga leexiyo dalka Wadadii uu ku socday loona baahan yahay Mas’uuliyad.

“khad guduudan ooo khatar ah oon laga talaabi karin waaye Kororsiimo,fariintaas madaxweynaha bas maku socoto, madaxda kale ee hay’adaha kale ee Dastuuriga ah yaaney ku fikirin, fulay xantiisa ma moogaa la yiri, hay’ad waqtigeeda la dhaafinaayaa majirto, waa la dooranaa, waqtiga yaaney ka dhicinee ololohooda hada ha bilaabeen” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu dhinaca kale dhaliilay sida dowladda ay ula dagaalameyso dadka Siyaasada ay wax ku maamusho ka soo horjeedsada, isagoo tilmaamay in dadka ay Siyaasiyan xaq u leeyihiin iney aragtiyadooda cabiraan.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay iyada masuuliyada qaadanayso haddii ay waqti korarsi sameyso wixii dalka ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com