Maxkamadda sare oo bilowday dhageysiga dacwadda Himilo Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwaddii uu 6-dii bishii October ee sanadkan 2019-ka gudbiyay xisbiga uu hoggamniyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran.

Dooda ugu horreysa ee maanta ayaa aheyd nooca dacwadda iyo sida loo qaadayo, taasi oo la xariirta arrimo dhinaca maamulka ah.

Hoolka maxkamadda waxaa ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaal kale, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socda xisbiga Himilo Qaran.

Dacwaddan ayaa daba socoto is hortaagii kol hore lagu sameeyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi ayaa waxaa sii xoogeysanayey khilaafka madaxda dowladda iyo madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, kaas oo hadda gaaraya meel xun.

Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta dacwaddan iyo sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa muuqata inay si aad ah maxkamaddu uga daahday dhageysiga kiiskan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa oo ay qatabo maxkamadda sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com