Madaxweyne Erdogan oo ka digay qorshe ka dhan ah Muslimiinta oo socda

Ankara (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga digay isku dayo uu sheegay inay wadaan qolo uusan carabaabin, kuwaasi oo sii xoojinaya kala qeybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta.

Erdogan ayaa sheegay in qolooyinkaasi ay muujinayaan kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo madaahibta diiniga, kuwaasi oo uu sheegay inay Shiicada iyo Sunniga ay ka dhigaan labo diin oo kala duwan.
Madaxweyne Erdogan ayaa arrinkaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay maalintii Khamiistii gaba-gabada shirkii lixaad ee Golaha Shuurada diinta, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Arrimaha Diinta ee caasimada Ankara.
Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dunida Islaamka uu ku soo kordhiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah weerarada lagu qaado goobaha ay ku cibaadeystaan muslimiintu.
“Waxaa jira kuwa si qoto dheer khilaaf uga dhex abuuraya Muslimiinta, iyaga oo muujinaya kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo mad-habyada diiniga” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Waxaana gacan ka geysanay in adduunka Muslimka ah uu meel uga soo wada jeesto, kana qaato mowqif mideysan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo meelaha muqadaska ah ee Muslimiinta”.
Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Golaha shuuradu uu xal u helo arrimaha casrigan marka laga eegayo dhinaca diinta iyo aragtiyaha aadanahaba, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan qiimeynaynin fikirka caqiido ee diinta ka soocaya nolosha.