Wararkii ugu dambeeyey kulan Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Seeraar

Nairobi (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan xasaasi ah ku yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/Naasir Seeraar oo kamid ah Xubnaha mucaaradsan Axmed Madoobe kana soo horjeeda dib u doorashadiisii.

Wararka horudhaca ah oo kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii Axmed Madoobe iyo Cabdi Naasir Seeraar ee ka dhashay doorashada, iyada oo dhex-dhexaadin labada mas’uul ay garwadeen ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya.

Cabdi Naasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka oo labaduba kasoo horjeedaan Axmed Madoobe ayaa mid kasta taageerayaashiisa Magaalada Kismaayo waxaa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee C/Naasir Seerar uu si lama filaan ah ku tegay Nairobi kulana kulmay Axmed Madoobe, halka Cabdi Rashiid Xidig aan weli wax war ah dhankiisa kasoo bixin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kadib doorashadiisii sheegay in uu diyaar yahay in uu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa, waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Beesha caalamka.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday dib u doorashadiisii ayaa weli uu u dhaxeeyaa khilaafkii ka dhashay doorashada taas oo aan weli xal loo helin.

Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka wado kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, wuxuuna waqti badan ku bixinayaa sidii uu xal ugu heli lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii dib loogu doortay ee ka dhacday Kismaayo.