25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Kooxo hubeysan oo sarkaal sare ku toogtay BOOSAASO

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilkaan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay nin dhalinyaro ahaa lagu magacaabi jiray, Cismaan Axmed Askar.

Wararka qaar ayaa sheegay in Marxuumka uu ka mid ahaa saraakiisha amniga gobolka Bari.

Ninkaan ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa afaafka hore hoygiisa oo ku yaalla xaafadda New Boosaaso, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Aabihiis Caaqil Axmed Ashkar.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, waxaana Meydka halkaasi ka qaaday dad rayid ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jirto cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Muddooyinkii dambe amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay halkeeda tahay xiisada u dhexeysa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News