24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Ciidamada DF Soomaaliya oo qabtay lacago dollar been abuur ah iyo dadkii watay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gurceel (Caasimada Online) – Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud waxaa xalay lagu qabtay lacago badan oo been abuur ah.

Ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Guriceel ayaa soo bandhigay lacago ay ku sheegeen kuwo been abuur ah iyo dadkii watay.

Lacagta ay soo qabteen ciidamadu ayaa la sheegay inay iskugu jirto Dollar iyo shilin Soomaali, waxayna dadka watay ee lagu soo qabtay ka yimaadeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay noo sheegeen dadka reer Gurceel.

Hey’adaha amaanka degmada Gurceel ayaa sheegay in lacagahaas lagu dhacay ganacsato ku nool deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, in mudo ahna lagu raad joogay dadka la qabtay.

Sidoo kale waxay shaaciyeen in dad kale oo wata lacago been abuur ah ay ku dhex dhuumaaleysanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo ciidamada amaanku ay ku howlanyihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60