Somaliland oo war ka soo saartay wariyeyaasha “baxsadka kaga maqan”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa ka hadashay Wariyeyaasha ka tagay deegaanadeeda ee sheegay inay baxsad ka yihiin cabudhinta iyo xadhiga ay kala kulmaan xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Somaliland ayaa sheegtay inay cidkasta oo ku gafta shuruucdeeda, isla markaana dembi ka gala bulshada iyo qarankaba ay la tiigsaneyso sharciga, kaasi oo muteysan doona ciqaabta falka uu ku kacay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay in si weyn uga shaqeyso nabada, isla markaana ay ixtirmaato shuruucda Somaliland.

Wasiir Saleebaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wariyaha reer Somaliland uu dambi ka gali karo dadka reer Somaliland iyo qaranimadeeda, markaasna dambigeega loo raacayo sida uu dhigayo sharciga.

Wasiirka oo si aad ah uga gaabsaneyay Su’aal laga weydiiyay arrinkaasi ayaa waxa uu yiri “Anagu marka aanu nahay Golaha Wasiirada ama Wasiirka Warfaafinta waxaan ka wakiil ahay dhamaan umada reer Somaliland, Waxaana laga yaaba qofkii Wariyihii in dadka reer Somaliland dambi ka gali karo waa qof, aniguna waxaan wakiil ka ahay dadkaasi reer Somaliland ee dambiga laga galayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waana laga wada-hadlayaa sharci baanu dalku leeyahay haddii ay iyagu sharciga ku gafeen oo umadda reer Somaliland iyo Madax banaanideeda ay ku gafeena dambigii baa loo raacayaa. Haddii si khaldan arrintaasi u sifeeyeena waxay noqoneysa inaanu ni-dhaahno sifo sharciya ama sifo haboon laguma sameynee”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuusan awood u laheyn in uu faro galiyo ama ka hadloi dacwadaha Maxkamaddaha ku jira ee ka dhanka ah Wariyeyaasha uu Wasiirka u yahay, haddii ay qaab qaldan-yihiin ama saxan-yihiinba.