Midowga Yurub oo shir u furay maamulada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Midowga Yurub, waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha labada maamul, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mr. Nicolás Berlanga Martinez iyo safiiro kale ayaa ka qeyb galay furitaanka shirkaasi.

Inta uu socdo ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta maamulada dariska ah ee Koonfur Galbeed iyo  Hir-Shabelle.

Sidoo kale shirweynahaan ayaa waxaa lagu soo qaadi doonaa dhibaatooyinkii ka dhashay fataahadihii dhowaan ku dhuftay gobollada maamulladaasi

Lafta Gareen oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub iyo sidoo kale ka qeyb galayaasha.

Shirkaan oo qaadan muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay.

Lama oga illaa iyo hadda sababta sida gaarka ah shirkaan loogu qabtay labadaan maamul oo xiriir xoogan haatan la leh dowladda federaalka, halka Jubbaland iyo Puntland oo ka maqan la ogsoon yahay in khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo madaxda dowladda dhexe.