Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug oo maanta la doortay iyo Ahlu Sunna oo ku gacan seertay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa loo doortay, Maxamed Xuseen Tahliil (Calool Geel), halka ku xigeen loo doortay, Cabdiraxiin Axmed Cigaal.

Guddiga ayaa haatan wixii ka dambeeya looga fadhiyaa ku dhawaaqista jawadlka doorashada, si loo dardar geliyo waqtiga ayar ee haray.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay ka hortimid gabi ahaan doorashada gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka maqnaa kulanka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn dhismaha guddiga, gaar ahaan xubnaha cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna ayaa isla rabta guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha, mar haddii ay dowladda dhexe qaadatay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Arrintaan ayaa abuureysa in khilaaf kale oo siyaasadeed ay gasho Galmudug oo muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo ku aadan dhismaha maamulkaasi