Xiisadda biyo-xireenka Nile oo kasii dartay kadib markii Sudan ay diiday qorshe ka yimid dowladda Ethiopia

Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa Talaadadii diiday soo jeedin Dowladda Itoobiya ay ku dooneysay in lagu saxiixo heshiis horudhac ah oo lagu buuxinayo biyo xirenka dhismihiisa lagu muransanyahay ee webiga Nile.

“Ma aqbali karo in aan saxiixo heshiiska qabyo qoraalka ah wajigiisa koowaad, sababtoo ah waxaa ku jira dhibaatooyin farsamo iyo kuwo sharci kuwaas oo ay tahay in la saxo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaaha Sudan Abdalla Hamdok. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa dhankiisa ku booriyay Hamdok in uu heshiiska saxiixo.

Xukuumadaha Khartuum iyo Qaahira waxaa ay ka cabsi qabaan in biyo-xireenku uu yareeyo biyaha ay ka helaan wabiga Nile marka ay Ethiopia buuxiso bisha July ee sanadkan.

Hamed Saalax, oo Sudan u qaabilsan wadaxaajoodka biyo-xireenka ee uu fududeeyay Maraykanka ayaa sheegay in “inta badan arrintu ay isku xirantahay… lamana kala saari karo saameynta deegaanka iyo midda bulshada ee mustaqbalka fog.”

Xiisadda ka dhalatay Nile ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay markii Ethiopia ay biyo xireenka jeexday 2011-kii.

Addis Ababa waxaa ay sheegeysaa in biyo xireenku ay muhiim u tahay dhaqaalaheeda, Masarna waxaa ay ka baqaysaa in ay weyn doonto inta badan biyaheeda oo ay ka hesho wabiga Nile.

Sudan waxaa ay rajeyneysaa in webiga ay ka heli doonto koronto ay aad ugu baahan tahay islamarkaana ay xakamayn doonto qul-qulka biyaha.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka iyo Bangiga Aduunka ayaa sanadkii lasoo dhaafay u dhaqaaqay in ay fududeeyaan wada-hadllada u dhaxeeya sedaxda waddan kadib markii ay ku guul dareysteen wada-hadallo dhex maray.

“Wadada kaliya ee lagu gaari karo heshiis dhameys tiran waa dhammaan qaybaha oo ku laabta miiska wada hadallada,” ayuu hadalkiisa ku daray Hamok.

Webiga Nile oo dherarkiisu dhanyahay 6,600 km waxaa uu halbol u yahay biya iyo korontada 10 wadan ee uu maro.