Xog: Xilliga cusub ee DF ay go’aamisay in dib loogu furo duulimaadyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa noo xaqiijiyay in 30-ka bishaan dib loo furi doono duulimaadyada gudaha Soomaaliya, oo xayirnaa dhowr bilood.

Xogo muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh arimaha duulimaadka lagu wargeliyay in 30-ka bisha uu si rasmi ah u furmi doono duulimaadyada Soomaaliya.

Warqad laga soo saaray hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda gaadiidka ayaa lagu sheegay in duulimaadyada Soomaaliya ay furmi doonaan 30-ka bisha June sanadka 2020, saacaduna tahay shan saac kontan iyo sagaal daqiiqo.

Warqadaan oo lala wadaagay Caasimada Online, balse laga codsaday inaysan baahin ayaa lagu sheegay in wixii xiligaasi ka dambeeyo ay shaqeyn doonaan duulimaadyada Soomaaliya.

Isniintii la soo dhaafay ayaa la qorsheeyay in la furo duulimaadyada Soomaaliya hase waxaa dib loo dhigay amar soo baxay xiliga dambe ee Axaddii todobaadkaan iyadoo aan la sheegin sababta.

Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June, dowladduuna weli sooma saarin amar shaacsan oo lagu dheereeyey, hase yeeshee duulimaadyada ayaa weli hakad ku jira.