DF SOMALIA oo la safatay Sacuudiga kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay saartay ku cambeereysay weerar gantaallo ahaa oo ay kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen Arbacadii ku qaadeen magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June”

“Gantaalladaas ayaa waxaa ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan.”

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Sacuudiga difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin.

“Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah,” ayaa lagu yiri qoraalka

Soomaaliya ayaa ku baaqday in “si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka.”

Hoos ka arag qoraalka Soomaaliya