Xaliimo Yarey oo jawaab ka bixisay go’aankii madax goboleedyada ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yare) ayaa markii ugu horeysay ka hadashay baaqii kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama nuucyada doorasho ee guddigu soo bandhigay aysan aheyn kuwo lagu wada-qanacsanyahay.

Xaliima Yarey oo la hadashay VOA ayaa sheegay in guddiga ay guddoomiyaha ka tahay ee doorashooyinka uu yahay mid sharci ku dhisan , isla markaana ay haboontahay in cidii dood ka qabta nuucyada doorasho ee ay soo bandhigeen ay la fariistaan, wixii ay qabaana u soo bandhigaan.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa qirtay in shirka Dhuusamareeb uu yahay mid loo baahnaa muhiimna u ah umadda Soomaaliyeed, in kastoo sida ka muuqata hadalkeeda aysan la dhacsaneyn baaqii kasoo baxay madaxda ee ahaa in saamileyda siyaasaddu ka wadatashadaan nuuca doorasho ee dalku aadayo dabayaaqada sanadkan.

“Anagu ma aaminsanin in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, shan sano ayaan kasoo shaqeyneynay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo, marka cidii dhaheysa doorasho dalkan kama dhici karto, waxay ku haboonaa laheyd inta noo yimaadaan inay noo sheegaan sababta aysan u dhici karin doorasho qof iyo cod ah,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale guddoomiye Xaliimo Yarey oo wax laga weydiiyey suurata galnimada in la kala diro gudigeeda ee la magacaabo guddi kale oo doorasho ayaa carabka ku adkeysay in guddigeedu uu ku dhisanyahay sharci, isla markaana aysan jirin sharciyad loo coskan karo in la kala diro.

Hoos ka dhageyso wareysiga