Booliska oo xog ka bixiyey weerarkii xarunta Mingiska iyo wuxuu ahaa ninka fuliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar nin ku hubeysan qori AK-47 ah uu maanta ka geystay xafad ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas waxaa fuliyey askari ka tirsan militeriga Soomaaliya, waxaana ku dhintay Saleebaan Maxamed Mahadi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, halka ugu yaraan 9-qofood oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qoraal kasoo baxay afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan dareyska Ciidanka, waxuu rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15May oo ku taala agagaarka iskoolka 15May ee Degmada Wartanabada.”

“Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere kaas oo horay uga mid ahaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, falkaan ayaa sababay dhimashada Hal qof oo lagu magacaabi jiray Saleebaan Maxamed Mahadi, waxaana ku dhaawacmay 9 qofood oo kale”.

Ugu dambeyntii afhayeenka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ayeey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku raadjoogaan si gacanta loogu Soo dhigo, loona maxkamadeeyo.”

Dhanka kale guddoomiyaha degmada uu falkaasi ka dhacay ee Warta-nabadda Saynab Maxamuud Xaabsey oo goobtii dadka lagu rasaaseeyey warbaahinta kula hadashay ayaa sheegtay in gurmad ay u fidiyeen dadkii dhibku soo gaaray, isla markaana ay ku raad joogaan ninkii geystay dhibkaas.