AfDB oo $ 25.1 milyan oo cusub ku taageeray Somalia

Abidjan (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Africa (AFDB) ayaa Tallaadadii ansixiyay deeq lacageed oo dhan $25.1milyan si loogu xoojiyo miisaaniyadda qaranka, dadaalada lagu yareynayo saameynta masiibada Covid-19 iyo in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaan oo loogu talagalay in loo adeegsado sedax wado oo kala ah masiibada Covid-19 ee nidaamka caafimaadka, dhawrista maciishadda iyo ilaalinta bulshada iyo in lagu taageero wax soo saarka xoogsatada shaqaalaha.

Qeybga koowaad oo ah maalgalinta, $10.04m oo ka timid Pillar 1 oo ah xarunta taageerada kala-guurka ee Bangiga laguna taageerayo bulshada Soomaaliyeed iyo $ 15.06m oo ah deeqda hawlgallada caafimaad ee COVID19 iyo miisaaniyada lagu kabayo dowladda federaalka.

Waxaa ka mid ah taageerada Bankiga Horumarinta Africa in dhaqaalahaasi lagu taageero xoogsatada loona abuuro xarun maalgelin si loo taageero ganacsatada yaryar ee cudurka COVID 19 awgii ganacsigooda u xermay iyo in dhaqaalahaasi lagu bixiyo in la hormariyo qalabka caafimaadka sida qalabka lagu neefsado.

Lama oga nidaamka qaabka dowladda federaalka Somalia ay u maareyn doonto taageeradaan dhaqaale ee shacabka loogu talagalay in lagu taageero iyo in kale, iyadoo horay sidaan oo kale dowladdo iyo hay’addo caalami ah taageero sidaan la mid ah soo gaarsiiyeen dowladda, mana muuqato qaabkii loo maamulay.