Maxaa looga hadlay kulankii ay Mursal iyo Muudey la yeesheen Xasan iyo Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ee Muqdisho waxaa caawa kulan ku yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ugu tegay xaruntooda Madasha.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Mursal iyo Muudey ay madaxweynayaasha ugu tageen la tashi.

“Gudoonka Golaha Shacabka oo soo booqday guddoonka Madasha Xisbiyada Qaran, labada dhinac ayaa iska xog-wareystay xaaladaha siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay iskooda u soo booqdeen guddoonka Madasha oo aaney cidna Ergo ka ahayd, waxayna dhageysteen aragtida iyo go’aanada Madasha ee ku aadan doorashooyinka 2020/2021” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Idiris.

Inka badan laba jeer ayey guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudey xaruntooda ugu tageen madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ah hoggaanka Madasha, waxayna mar kasta kala hadlayeen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu guddoomiyaha golaha shacabku ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen Ra’iisul wasaarihii dalka iyo xukuumadiisa. Taas oo jaho murugsan u weecisay siyaasadii ciir-ciireysay ee Soomaaliya.