DF Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hanjabaada beesha caalamka ee ka dhalatay xil ka qaadistii R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha xilka Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay falcelintii beesha caalamka ee ka dhalatay kalsooni kala noqoshadii xukuumadii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, kuwaasi oo qaarkood u hanjabay dowladda sida Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay markii xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan buuq hareeyey kalsoonidii ugala noqdeen xukuumadda Kheyre waxaa isak soo daba dhacayey  dhaleeceyn ka dhan ah wixii dhacay oo ka imaaneysay dowladaha iyo ururrada taageera Soomaaliya.

Wasiir Cawad waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan talooyinka igu imaanaya beesha caalamka ee u badan in dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin raalina laga wdayahay.

Axmed Ciise Cawad ayaa intaas ku daray in beesha caalamku ay leedahay tala-soojeedin oo kaliya, balse go’aankeeda ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa yimid iyadoo maanta war kasoo baxay dowladaha iyo ururrada daneeya arrimaah Soomaaliya la yiraahdo beesha caalamka lagu sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayo inay cadeyso waqtiga rasmiga ah ee ay doorasho dalka ka dhacayso.

Warkaan waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka walaacsantahay in baarlamaanka Soomaaliya ay qaadan waayeen go’aan ah in la waqtiyayn waayo xilliga doorashadda maalintii ay ka doodayeene ajandahooda u badalay cayrinta xukuumadii dalka ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre .

Hoos ka dhageyso codka wasiir Cawad