“Farmaajo wuxuu isaga oo aan ceyrin Kheyre muddo kororsi ku helay karan sidan’

Xilka xayuubintii boobsiiska aheyd ee Baarlamaanka Kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo isagoo adeegsanaya Gudoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey si uu u helo fursad muddo kororsi.

Madaxweynaha qorshihiisa dhowr jeer ayuu fagaarayaal ka cadeeyay si uu Afar Sano wax ugu darsado, isagoo tusaale u soo qaadanaya madaxda Afrika ee mudada dheer xukunka joogta, walow Soomaaliya 30-kii sano ee ugu dambeesay doorasho Dimuquraadi ah la qabanayay inkastoo ay kala duwaneyd qaababkii madaxda ku imaanayeen.

Waxaa ugu dambeesay khudbadii uu ka jeediyay shirkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb halkaa oo dhamaan madaxda maamul Goboleedyada, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha isugu imaadeen.

Farmaajo wuxuu ku celceliyay inuu doonayo doorasho qof iyo cod ah isagoo raba inuu meesha ka saaro doorasho dadban , wuxuuna hadalkiisa raacinayay “ Waxaan u baahanahay wax aan ku faano ma taagnaan karo halkii 2016”

Go’aankii ka soo baxay Dhuusomareeb1 ee madaxda maamul Goboleedyada yeesheen wuxuu ahaa doorasho dalka  ka dhacdo xiligeeda iyadoo lagu heshiinayo qaabka ay u dhaceyso (Doorasho Dadban) waxeyna meesha ka saareen doorasho qof iyo cod ah.

Shirkii Dhuusomareeb2 waxaa ka muuqday isfaham weyn waxaana si hoose looga heshiiyay arrimo xasaasi, kulumo gaar gaar ah ayey yeesheen madaxda dowladda Federalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Farmaajo wuxuu kulamo waa weyn la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni kuwaa oo khilaaf kala dhaxeeyay iyagoo ka heshiiyay aragti duwanaasho badan oo dhanka siyaasadda aheyd.

Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa la fahansanyahay inuu ka dambeeyay isu imaatinka Dhuusomareeb, door aad u weynna ayuu ka ciyaaray isagoo kal hore sii cadeeyay in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso waliba iyadoo laga heshiiyay wuxuuna si dad ban meesha uga saaray doorasho qof iyo cod ah iyo rabitaanka muddo kororsi ee Farmaajo.

Maadama hadda loo ballansanaa shirka Dhuusomareeb3 iyadoo kii Dhuusomareeb2 la isku raacay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, oo hadana laga war sugayo Guddiyo farsamo oo ka shaqeeya nuuca doorasho ee la isla qaadan karo ayaa hadana lagu waayay fursadda uu raadinyo Madaxweynaha.

Farmaajo wuxuu heli karay muddo kororsi Hal Sano ama Laba Sano, wuxuuna ku heli kaay sidan:

Shirka Dhuusomareeb3 marka uu furmo waxaa halkaas ka soo bixi karay nuuc doorasho oo laga heshiiyay waxaana halkaas ka dhici lahaa isfahan siyaasadeed haduu Farmaajo uu si cad ugu dalbado inuu rabo muddo kordhin 2 sano ah, ballan qaadana inuu 2 sano kadib doorasho heshiis lagu yahay qabto.

Sidoo kale wuxuu Farmaajo kula gorgortami karay taageerid buuxda iyo kaalmo joogto ah isagoo ku qancinayay xilal ay shaqsiyaad katirsan uga qabtaan Dowladda Dhexe.

Waxaa lagu heshiin karay doorasho hergelinteeda waqti badan qaadan karto taa oo si weyn looga hormariyay tii 2016 islamarkaana aan aheyn doorasho qof iyo cod ah, maadama ay u badantahay in madaxda maamul Goboleedyada iyo Madasha Xisbiyada Qaran ineysan aqbaleynin qof iyo cod.

Xitaa wuxuu Farmaajo heli lahaa muddo kordhin aanu cidina kala tashan hadii uu Ra’isul Wasaaraha joogi lahaa maadama dib u soo dhisidda hay’adaha dowladda oo waqtigoodu sii dhacayo islamrkana uu Baarlamaanka ugu horeeyo ay qaadaneyso in muddo ah.

Hadda oo Ra’isul Wasaaraha daaqada laga saaray isagoo ku dhagan doorasho heshiis lagu yahay, diidanna muddo kororsi waxey banaanka keentay in farta lagu wada fiiqiyo Madaxweynaha, waxaana sidaas ku baqtiyay muddo kordhin inuu sameeyo.

Sababaha aanu muddo kordhin u heleynin waxaa kow ka ah marka hore Farmaajo, wuxuu iska eriyay Xasan Cali Kheyre oo mucaaradka iyo madaxda maamul Goboleedyada isfahmaan mana  helaayo Ra’isul Wasaare saameyn siyaasadeed leh wuxuuna rabaa inuu magacowdo Ra’isul Wasaare uu u meeriyo cashirada kaa oo ku imaanaya rabitaankiisa islamarkana aan ku imaan doonin rabitaanka maamul Goboleedyada iyo mucaaradka.

Waxaa sidoo kale muddo kordhin uusan ku heleynin wuxuu isku diray madaxdii maamul Goboleedyada waxaana durbadiiba ka hor yimid Madaxweynaha Puntland oo si kulul u cambaareeyay sida sharci darrada aheyd ee xilka looga qaaday Ra’isul Wasaaraha isagoo xusay in Madaxweynaha uu ku tuntay Dastuurka.

Farmaajo wuxuu isku soo jeediyay indhaha Beesha Caalamka waxaana digniin u diray Mareykanka iyo Midowga Yurub, sidoo kale waxaa digniin soo saaray Hogaanada Beelaha oo ka digay dhaqdhaqaayada uu wado Farmaajo oo si weyn loola socdo.

Waxaa banaanka imaaday qorshahii muddo kororsi ee muddo uu ku taamayay balse ma muuqato hal wado oo u suuragelin karta, waxaana suuragal ah inuu aqbalo codsiyo dhinacyo badan ka socda taa oo ah in Mahdi Guuleed uu shaqada sii dhameystiro islamarkana la aado doorasho dadban si looga fogaado Ra’isul Wasaare cusub oo shaqada aan fahansaneyn.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdiazizh99@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid