Farmaajo oo looga digay magacaabista ra’iisal wasaare cusub + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag looga digay inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub, xili guddoomiyaha golaha shacabku uu si deg-deg ah uga dalbaday inuu soo magacaabo, kadib xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre.

War-socdaal Raage oo kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay inuu xiligan soo magacaabo Ra’iisal wasaare, isla markaana uu xilkaasi u daayo Mahdi Khadar oo hadda si kumeel gaadh ah u haya.

Raage ayaa xusay in mudada kooban ee ka hadhay muddo xileedka Farmaajo uusan sameyn magacaabistaasi, haddii kale ay banaanka u soo saareysayo rabitaankiisa ku aadan muddo kororsiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligan kala guurka ah aan loo baahneyn qorshe ka dhan ah doorashada, taasi oo dalka u horseedi karta qalaalase siyaasadeed iyo mid amni oo aan laga soo kabsan karin.

War-socdaal ayaa si cad u sheegay ineysan umadda Soomaaliyeeed aqbaleyn muddo kororsi, isagoona hoosta ka xariiqay in haddii la gaaro 8-da February ee 2021 ay reer Muqdisho u aqoonsanayaan Farmaajo inuu yahay madaxweynihii hore ee dalka.

Waxa kale oo uu sheegay War-socdaal haddii uu Farmaajo xiligan kala guurka ah uu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub ay ka dhigan tahay inuu rabo muddo kororsi aan marnaba la aqbali karin.

Hadalka Nabadoonkan ayaa kusoo aadaya xili uu Soomaaliya ka taagan yahay jawhareer siyaasadeeda, iyada oo si weyn looga digay qorshaha ay ku howlan tahay Villa Somalia ee muddo kororsiga oo ay meel adag iska taageen saamileyda siyaasaddu.

Hoos ka daawo