Waqtiga dib la fasaxayo duulimaadyada diyaaradaha jaadka Kenya oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Berito waxaa la fasixi doonaa duulimaadyada diyaaradaha Jaadka ka keeni jiray wadanka Kenya ee lasoo gaarsiin jiray Soomaaliya, waxaana horay u saameeyay cabsiga laga qabo xanuunka Coronavirus kaas oo kiisas laga diiwaangaliyay labada wadan.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay shuruud ku xirtay keenista qaadka ka imaanaya Kenya, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha ganacsatada qaadka Kenya.

Shuruudda uu sheegay gudoomiyaha waxey tahay in dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday canshuurta qaadka lagana dhigay (1KG) in laga qaado (3.5$ Dollar), halka markii hore laga qaadi jiray (1KG) lacag dhan (1$), sidoo kalana ay ganacstada u sheegeen iney kala fogaadaan si ay faafitaanka COVID19 isaga ilaaliyaan, xirtaanna gacmo gashi iyo waji xir.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in labada dowladood ay heshiis ka gaareen arinta qaadka, walow aysan wali xukuumadda wali hadlin hadana golaha wasiirada ee xilka sii haya ayaa la sheegay iney shalay go’aan ka gaareen.

In la xayiro duulimaadyada caalamiga ah, gaar ahaan diyaaradaha qaadka keena waxey saameyn ku yeelatay ganacsatada soomaaliyeed ee ka ganacsada qaadka kuwaas oo noloshooda ka dabara.